Dhageyso: Gudoomiyaha Xisbiga Nabada C/hi Sheekh Xasan ayaa si kulul u weeraray tabar darida dowlada ee Xaga Amniga iyo Siyaasada Gobalada

0
234

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hormuudka u yihiin Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) ayaa lagu dhaliilaa inay ku fashilantay amaanka magaalada Muqdisho iyo siyaasada gobollada dalka inay wax ka qabato kadib markii baryihii ugu danbeeyay ay ku soo badanayeen dilalka qorshaysan iyo qaraxyada lagu bartilmaameed sanayo xarumaha dowladda iyo Shaqsiyaadka caanka ah.

c_laahi-sheekh-xasan

Inkastoo Dowladdu ay cusubtahay hadana lagu amaano dhanka dibadda inay wax badan ka qabatay ayaa hadana Siyaasiga C/laahi Sheekh oo Hogaamiya Xisbi la yiraahdo Nabadda iyo Horumarka waxaa uu sheegayaa Dowladdu inay siwayn ugu fashilantay arimaha Kismaayo iyo amaanka Xamar.

[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/07/Gudomiyaha-Xisbiga-Nabada-iyo-Huromraka-ok.mp3]

C/laahi Sheikh ayaa ugu dambeyntii baaq u direy barlamaanka Soomaaliya oo uu sheegay iney iyagu yihiin masiilkii shacabka sidaas darteedna looga baahan yahay iney xukuumada la xisaabtamaan ay wax u qabato ama meesha uga baxdo.

Idale News Online