Dhageyso: Gudoomiyaha Guddiga Jiheynta Shirka Koonfur Galbeed Somalia Maxamuud Sayid Aadan oo ka waramayey ansixinta Dastuurka KG

0
202
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/01/MSAdanDastuurkaBay.mp3|autostart=yes]

Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah wafuuda ka socota gobolka Gedo isla markaasna ergada shirka maamul u sameynta lixda gobol ee KG ay u doorteen inuu noqdo gudoomiyaha guddiga jiheynta ama hagida Shirka (Steering Committee) ayaa waxaa uu ka waramey ansixintii dastuurka KG, iyo dhameystirka hay’ada kale ee cadaalada, wakiilada shacabka iyo xukuumada iyo doorashada madaxtooyada dowlad goboleedka KG Somalia.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa sidoo kale aad ugu mahadceliyey ergadii shirka iyo sida ay ugu dabar adeegeen ka mira dhalinta in maanta la helo dastuur u gaar ah dowlad goboleedka KG Soomaaliya kaasoo ka kooban lixda gobol ee kala ah Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, Gedo, Jubada Hoose iyo Shabeelaha Hoose. waxuuna sheegay in dhowaan qeybaha dhiman ee haykalka dowladeed ee maamulkaasi la dhisi doono iyadoo la waafajinaayo dastuurka la ansaxiyey iyo weliba is fahan ay yeeshaan ergada ka socota beelaha dowlad goboleedkaasi uu ka arrimin doono.

sayidAadan

Idale News Online, Baydhaba