DHAGEYSO: Gudoomiyaha Degmada Markacadey OO Eedeyn Kuluul U Jeediyey Madaxda Dalka Soomaaliya

0
316

Marka(INO)-Gudoomiyaha degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Cismaan Yariisow oo la warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan magaalada duleedka degmada Marko ayaa eedeyn u jeediyay masuuliyiinta dowlada.

dagaalki

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in marar badan madaxda dowlada uu u gudbiyay dhibaatooyinka ka taagan deegaanada hoostaga degmada Marko, laakiin aysan jirin cid wax ka qabatay dagaaladii ka dhacay degmadaasi.

Halkan Ka Dhageyso

Yariisow, ayaa ugu baaqay xildhibaanada iyo wasiirada kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose inay ka  hadlaan ayna sameeyaan dadaalo ku aadan sidii dagaalada loo joojin lahaa.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay deegaanada Shabeelaha Hoose, gaar ahaan deegaano hoostaga degmada Marko waxaa ka dhacayay dagaalo u dhaxeeyo maleeshiyaad wada daga gobolka, waxayna dagaalada sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Idale News Online, Marka.