Dhageyso: Gudoomiyaha Degaanka Aato” Waan Ka Go’ney Koonfur Galbeed Soomaaliya”

0
251

Caato(INO)- Gudoomiyaha Degaanka Caato Ee Gobolka Bakool Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Dubad Maxamed ayaa ka hadley Khilaafka Siyaasadeedka Ka Aloosan Gobolka Bakool, ka dib markii maalintii Shaley Halkaaasi looga Dhawaaqey Maamul La Magacbaxey Bakool Sare.

Gudoomiyaha Ayaa Sheegey in dadka Ku dhaqan Degaanada Aato, Yeed iyo Degmada Ceelberde ay dhisteen Maamul ka madaxbanaan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana waxa uu ku baaqey in  si deris wanaag ah laga wada noolado.

Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maamulkaasi waxay ku timaantey Mid sharci daro ah, isla markaana waxay sheegtey in ay tilaabo adag ay ka qaadeyso Xildhibaano Ka Tirsan Barlamanka Soomaaliya oo qalalaase Siyaasadeeda Ka Abuurtey Degmada Ceelberde.

Halkan Ka Dhageyso Wareysi  Radio Idale La Yeeshey.

Idale News Online, Caato

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here