Dhageyso: Gudoomayaha Shabeelaha Hoose oo sheegay in taageersan yahay heshiiska dowlada iyo maamulka Jubba

0
196

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur oo ku magac dheer Siidii oo wareysi siiyey idaacadaha maxaliga ee gudaha dalka Soomaaliya ayaa ka hadley taageeradiisa ku aadan heshiis dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ee Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ku gaareen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya horaantii bishii September ee la soo dhaafey.
Dhageyso Wareysiga C/qaadir Siidi oo dhameystiran
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/10/siidiProJubbaland.mp3]

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose oo wax laga weydiiyey sababta ku kaliftay inuu xirto ama ka qeyb noqdo weyneynta calanka astaanta u ah maamulka Jubbaland ee hogaamiye Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ku jawaabey inuusan ka mid yahay dowlada federaalka, waxii ay raali ka tahayna uu isagu ka gudoomiye ahaan taageersan yahay waxuuna sidoo kale yiri “Marka hore waxaa fiican in aan noqono dad siyaasiyiin ah oo aqoonyahano ah, dowlada ayaa aqoonsatay maamulkaas dowlada talaabada ay qaadayna waa in aan u hogaansamaa aniga SDM ma ihi RRA-na ma ihi ”.!
siidiShabellahaHoose

Wariye Ilyaas Qalinle oo ka tirsan radio wadajir Baydhabo ayaa mar kale su’aaley in dadka gobolka uu gudoomiyaha ah u mataleyn nidaamka federaalka ee dowlada ku dhisan tahay oo xiligaan dowladii kacaanka aysan dalka ka talin ayaa Siidi waxa uu sheegay in dalka leeyahay dowlada dowlada jirtana ay heshiis la gaartey maamulka Jubaland isaguna go’aanka heshiiska dowlada iyo maamulka jubaland ay gaareen uu taagaeraayo.

Idale News ONline