Muqdisho(INO)-Gudiga maamul usameynta gobalada Dhexe ee Soomaaliya ayaa warqad qoraal ah udiray Raysalwasaaraha dawladda Soomaaliya Omar Abdirashid Ali Sharmaake, taas oo ay uga codsanayaan in uu ogolaado in ciidamo ka socda AMISOM ay tagaan magaalada Cadaado oo ah halka lagu qabanayo shirkan.
Sarkaalka gudigan uqaabilsan arrimaha Amniga shirka Cawke Axmed Cabdiraxmaan ayaa shaaciyey in ay warqadaas udireen Raysalwasaaraha Soomaaliya, oo ay dhawaan jawaab ka dhawrayaan, si buu yiri howlaha shirka ay furmaan.
Gudiga ayaa aaminsan in ay jiri karaan dhinacyo badan oo la yimaada ciidamo Hubeysan, kuwaas oo xataa natiijada dambe khal-khalgalin kara, sida ka muuqata ilaa hada dhismaha Maamulkaas.
Dhismaha maamul gobaleedka gobalada Dhexe ayaa muran badan ka taagan yahay dawladda Puntland ayaa u aragta mid carqalad lagu galinayo Xaduudaha Puntland, taas oo horay heshiis looga gaaray isla markaasna la ogolaaday in Koonfurta Mudug lagu kobo maamulkaas, laakiin dadka tagay qeyb ka mid ah ayaa ka soo jeeda Waqooyiga gobalka Mudug.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho