Xili Warbaahinta qaar ee dalka ay qortay in uu hakad galay shirka ka socda Magaalada Baydhbo ee xarun Goboleedka Bay ayaa waxaa beeniyay wararkaas gudiga farsamada ee ku howlan sameynta maamulka Koofur Galbeed Somaaliya.
Maxamed Sheikh Cumar oo ah gudoomiyah gudiga Dastuurka ee ka qeyb qadanaya dhismaha maamulkaas ayaa Idaacada Mustaqbal u sheegay in ergada shirka ay u qeybiyeen qeyb ka mid ah dastuurka maamulkaasi.