Oslo(INO)- Waxaa shalay Maagaalada Kismaayo ka bilowday u diyaar garow shirarka looga hadlayo Doorashada 2016 iyo qaabka ugu haboon oo ay dalka uga dhici karto doorasho.
Shirarkan oo lagu qabanaayo Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Waxa ka qiib Galeya Madaxda Maamul Goboleeyada ka jira Ee Soomaaliya DFSoomaaliya Ururu Goboleedka IGAD, Xafiiska Siyaasada QM, Ee Soomaaliya UNSOM iyo Beesha Caalamka..
Shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka ee ka dhacay Muqdisho ayaa horey looga soo saaray in kulamo noocaan ah lagu qabto gobalada dalka si shacabka aragtidooda uga dhiibtaan nidaamka ugu haboon ee doorashada 2016.
Balse Gallaha Badbaadda Koonfur Galbeed Soomaaliya(SSC) ayaa diidan habka shirarka loo qabanayo.
Gudoomiyaha Gollaha Badbaadda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee (SSC) Cabdulqaadir Abuukar Sheekh oo la hadlay Wabaahinta ayaa si weyn Rajo xumo ugu muujiyay kulamada madaxda maamul goboleedada iyo kuwa DFS uga socda magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose.
Gollaha Badbaadda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee (SSC) ayaa soojeediyey in deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ama Magaaloyinka Waa weyn qaar ka mid ah ay nabad yihiin isla markaana shirar lagu qaban karo si aragtida shacabka ay u noqota mid ka timaada dhamaan Goboladda Degaanada KGS oo aysan ku koobnaan magaalada Garowe, Kismaayo iyo Muqdisho.
Ugu dambeyntii, Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa sheegay in ay dhaqaale u hayaan shirarka, iyagoo sidoo kale sheegay in shirarka kale ee ka dhacaya Baydhabo, Kismaayo, Cadaado iyo Muqdisho.
Halkan Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gollaha SSC
Idale News Online, Oslo, Norway