Muqdisho(INO)-Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa liiska cunaqabateynta ka saaray Sheekh Maxamed Saciid Atam oo horay uga mid ahaa Hogaamiyaasha Al-shabaab, hase ahaatee isku soo dhiibay dowladda Federaalka isaga oo sheegay in nabadda uu qaatay.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo kaashanaysa qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa waxa ay codsi ku aadan in cunaqabateynta laga qaado Atam u dirtay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, taasi oo ugu dambeyn la aqbalay.
Sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumada Soomaaliya Mustaf Dhuxuloow oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladda ay soo dhaweysay go’aankaan uu gaaray golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxey soo dhoweyneysaa go’aanka Golaha Ammaanka QM oo ay Sheikh Atom uga saareen liiska cunaqabatenta 1844. Dowladda ayaa la xaajootay QM iyo waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM si loogu guuleysto in muwaadin Soomaaliyeed oo ka baxay kooxaha argagaxisada isla markaasna nabadda qaatay in laga saaro liiska cunaqabateynta. Tani waa tallaabo weyn oo Atom kaliya ma ahee xitaa dhammaan dadka nabadda jecel ayey guul u tahay. Tani waa habka uu caalamka isku raacsanyahay oo lagu gaari karo nabad”
Halkan Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Dhuxulow.
Idale News Online, Muqdisho