Guddoomiyaha Magaalada Marka Maxamed Cusmaan Yariisoow, ayaa goordhaweyd beeniyay in Magaalada Marka uu dagaal ka socdo sidoo kalena laga saaray Magaalada Marka oo gacan ku haynteeda lagala wareegay.
[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/20749.MP3|autostart=yes]
Wareysi uu siiyay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho Guddoomiye Yariisoow wuxuu sheegay in ciidamadiisa iyo isagaba ay ku sugan yihiin gudaha Degmada Marka, dagaalkana uu ka dhacay duleedka Magaaladaasi.
Wuxuu gabi ahaanba meesha ka saaray jiritaanka wararka ku aadan in Dagaal Magaalada uu ka dhacay, waxaana uu sheegay in Dagaalka uu ka dhacay Meel lagu magacaabo Shinga Libi iyo Buufoow inta udhaxeysa, balse Magaalada Marka gudaheeda xabad aysan ka dhicin.
Guddoomiyaha Magaalada Marka Maxamed Cusmaan Yariisoow, ayaa tilmaamay in Magaalada Marka ay kusoo duuleen beel gaar ah oo wata ciidamo badan iyo gaadiidka dagaalka ah, waxaana Magaalada meelo kamid ah kusoo dhacaya sida uu yiri qoriga Dhashiikaha.
Xaafada Beytu Raas ee Magaalada Marka ayuu sheegay inuu kusoo dhacayo Qoriga loo Yaqaan Dhashiikaha, balse aysan jirin khasaaro ka dhashay, isaga oo ku cel-celiyay Guddoomiyaha Marka inuu weli ku sugan yahay Marka oo aan Magaalada laga saarin.
Idale News online, Marka. nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@gmail.com