Dhageyso: Faroole: “Shaydaanul Jinni & Insi ayaa wada dagaalka Gaalkacyo”

0
169

Garowe(INO)- Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta isaga oo ku sugan Garoowe ka hadley dagaalka socdey tan iyo bilowgii bishii Oktoobar magaalada Gaalkacyo, waxaana uu ku tilmaamey dagaal ay wadaan Shayaadiinul Jinni wal Insi, dagaal aan la aqoon cid wadda oo dad kale ku jiraan madaxana loo saarey labnada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Faroole ayaa sheegay in dagaalka ugu khasaaraha badni uu dhacay maalintii shalay kaas oo ay ku nafwaayeen dad badan.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa sheegay in aan la sugi karin lagana aamusi karin dadka shacabka ah ee ku dhimanaya halkaas, dadka barakacay iyo hablaha ku umulaaya banaanada iyo ardeyda dugsiyadii ka baaqatey iyo sida ay tahay xaaladda Gaalkacyo.

Faroole oo saxaafadda la hadlaya ayaa shaki geliyey in cid kale ku jirto dagaalka, waxaana uu yiri waa dhici kartaa in cid kale dan kale ka leedahay. Heshiiskii Abu-Dhabi ayuu ku tilmaamey mid aan laabta jirin, oo ay dhici karto in Madaxda labada maamul ay hoos ka leeyihiin dagaalka hala wado.

Faroole ayaa sheegay in dagaalkaani aanu ahayn kii qabiilka ee bilowgii sagaashamaadkii, sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh maxamuud oo ku tilmaamey mid Qarni soo socdey, waxaana uu ugu baaqey Madaxweynaha xilku ka dhamaadey in uu doorkiisa qaato.

Faroole ayaa sheegay in aysan doorasho dhacayn, haddii dagaalka Gaalkacyo socdo, ma jirto meel la isku aaminaayo haba yaraatee ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa baaq u direy ciidamada labada dhinac waxaana uu ugu baaqey in ay dagaalka diidaan, dabkana dhigaan, haddii kale hawdhoow lagu soo oogi doono denbi dagaal.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana dhawaan uu kamid noqdey Aqalka sare ee Soomaaliya.