Deefow(INO)-Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya deegaanka deefow ee gobolka hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu ku sii fidiyo gudaha deegaankaasi.
dagaalka ayaa waxa uu yimid kadib markii ciidamo fara badan ay weerareen degaanka deefow oo maalmahaan ay gacnt ugu jirtay ciidamo deegaankaas ka soo jeeda.
Halkan Ka Dhageyso Codka Goobjooge Halkaasi.
Mid kamid ah ciidanka deegaanka deefow oo aan goor dhow wareysanaya ayaa inoo sheegay in dagaalka ay ku soo qaadeen ciidamo uu wato gudoomiyaha gobolka hiiraan cabdi fataax xasan afrax dagaal culusna uu iminkada uu dhex marayo ciidanka maamulka iyo maleeshiyo deegaanka ah.
“Dagaal ayaa soconaya hada,rasaasta cul culus iyo mia fud fudud ayaa la is weydaarsanayaa,waxa ayna hada si toos ah rasastu uga socotaa sida aad maqleyso bariga deefow,waxaa nagu soo duulay saaka ciidan uu wato maamulka gobolka hiiraan cabdi fatax xasan afrax,waxa ay doonayaan waa dadkii deegaanka ah ee guryahoodii la gubay in markale shaar dowladeed hantidooda lagu boobo”
Dhinaca kale majiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka hiraan ee ku aadan dagaalka qaraar ee hada ka soconaya deegaanka deefow oo maalmahaan xaaladeedu ay deganayd.
Idale News Online, Deefow.