Dhageyso: Dowlada KGS” Way Naga Go’an Tahay Heshiisiinta Beelaha Gobolka Shabellaha Hoose”

0
256

Afgooye(INO)-Kulumo dib u heshiisiin ah ayaa ka soconayoa Degaano Ka Tirsan Gobolka Shabellaha, taasoo la doonayo in laga wada heshiisiyo beelo ku dagaalamey Gobolka Shabellaha Hoose.

wasiiro

Kulumadan Ay isku arkeyaan, Beelaha Waxaa gar-wadeen ka ah Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo haatan ku sugan Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiirka Dib u heshiisiinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiqaadir Nuur Caraale ayaa sheegey in ay ka go’an tahay  Heshiisiinta beelaha dirirtooda ay ka taagan tahay gobolka Shabellaha Hoose, isagoona Rajo  wanaagsan ka muujiyey in ay dhacdo dib u heshiisiin dhab ah.

Wasiirka Dib u heshiisinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  Cabdiqaadir Nuur Caraale, Ayaa Sidoo kale Sheegey in shirkan ay wadi doonaan inta laga xalinayo Khilaafyada Beelaha u dhexeeya oo sabab u ah lahaanshaha dhul beereedyo iyo isbaarooyinka yaala degaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here