Afhayeenka guud ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu Siiyey warbaahinta KG soomaaliya Ugaas Xasan ayaa wuxuu ka hadlayaa Arimo badan oo Muhiim u ah dadka iyo deegaanada Koonfur Galbeed sida ay uw ada dhan yihiin.
Afhayeenka guud ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ee 3da Gobol ayaa wuxuu sheegey in Lacag deg deg deeq ah ay Gaarsiiyeen Maamulka Gobolka Bakool si loogu gurmado Dadka Walaalaha ah ee Aad Moodid In Dadkii ay ka dhasheen Qurba joogta ahaa ay Dayacayaan oo ay ku fiirsanayaan Dhibaatada Rabaaniga ah ee Ilaah Ku Imtaxaamaya.
HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA UGAAS XASAN.
[audio:My Documents\Downloads\Music\AUDIO_C7A04A-08E357-7465E7-6DC9D7-B0D6B0-BF8D2E.mp3|autostart=yes]
Afhayeenka guud ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Ugaas Xasan Ayaa baaq deg deg ah udirey dadka soomaaliyeed wuxuuna sheegey in Baahi ama dhibaato aysan irin cid si gooni ah ay ula dhalatay ninba maalintiisa ay umartineyso hadii aan walaahaha Bakool Maanta loo gargaarin garab iyo walaal helin Beri in Adigana aad muteysan doontid laakiin baaqa Afhayeenka guud ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ah Aan uwada istaagno Badbaadinta Shacabkaasi Waayeelka, Caruurta,Jiista iyo Haweenka Uurka leh ay ku go”doonsan yihiin Bakool.
Waxaa Nagu Maqaalo ah in Madaxweynaha Koonfutr Galbeed iyo Madaxda Dowladiisa ay ka dalbadeen Dayaaradaha Qumaatiga u kaca Maamulka AMISOM si Gargaar Deg Deg loola gaaro dadka iyo duunyadooda ku baa”ba ayaan Bakool.
Gobolka Bakool waxaa ka jirta Dhibaato aan Indhaha Laga Qabsan Karin laakiin hadana ma arkeysid Mas”uul ama jaaliyad ama shaqi is xilqaamaya oo arinkaasi uduuban waxaana horey usheegney Iney Qurba joogta DM ay aad ugu dhega Nugul yihiin Xafladaha Munkarka iyo Faaxishiga ah ee Raga iyo Dumarka intey Isku Imaadaan Cawrada ilaah Xaarimeeyey aan goobahaasi lagu kala dhowrsanin.
Idale News Online, Baydhabo.