Dhageyso: DFS Oo Dafirtey Tacadiyada Ay Geystaan Ciidamad AMISOM

0
160

Muqdisho(INO)- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka dowladda Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in aanan loo baahneyn in la buun buuniyo dhacdooyinka ay geystaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ka dhaca gudaha Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka  ayaa tilmaamay in shilka ay geystaan gaadiidka AMISOM ee rayidka ay ku dhintaan inuu la mid yahay shil uu geystay Askari Soomaali ah oo kaxeynaya gaariga, kadibna dad jiirsiiya.

Wuxuu in sheegay ciidamada AMISOM horay inay u laayeen Xoolo fara badan ayna bixiyeen Magdhaw, sidaasi awgeedna Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la xisaabtantu Ciidanka AMISOM.

Hay’addaha Xuquuqda Aadana ayaa ku baaqday in baaritaan caalami ah lagu sameeyo tacadiyada ciidamada Amisom ay ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya xilli Hay’adda Humar Rights Wacth ayaa sheegay in tacadiyo ay geysteen ciidanka AMISOM aysan wali faahfaahin rasmi aysan ka bixin iskaba daa in ay Magdhow bixiyaan.

Halkan Ka Dhageyso