DHAGEYSO: DF Soomaaliya oo dhistay Hay’ad qaabilsan Dibu-dajinta Qaxootiga soo laabanaya

0
190

Muqdisho(INO)-Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhistay Hay’ad qaabilsan dibu-dajinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya dalalka Shisheeye iyo sidii meelo wanaagsan loo dajin lahaa barakacayaasha ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya.

Goodax-88

Hay’adan ayaa hoos tagaysa wasaaradda Arrimaha gudaha ee dawladda Soomaaliya, waxa ayna Beesha Caalamka kala shaqeyn doontaa fududeynta howlaha dibu-dajinta iyo geynta meelihii loogu talagalay dhamaanba dadka soo laabanaya.

Halkan Ka Dhageyso

Qaxootiga Soomaalida ee ku jira Xeryaha Qaxootiga dalka Kenya ayaa go’aansaday in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya, taas oo keentay dhismaha Hay’adan cusub oo ay sameysay dawladda Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Qaramada Midowbay ayaa ka dalbatay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya in la helo cid maareysa howlaha baaxad leh, ee dib dadkaan loogu celinayo dalka Soomaaliya, kuwaas oo ladoonayo in ay heleen dhamaanba adeegyada ay ubaahan yihiin.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here