Dhageyso: Col. Mahad C/raxmaan ” Waan La Soconaa Dhaq Dhaqaaqyada Shabaab”

0
201

Baydhabo(INO)– Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Bay korneel Mahad C/raxmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay Shabaabka ku sugan Gobolka Bay in ay bedeleen xeeladii Dagaal.

Waxa uu sheegay Taliyaha Shabaab weeraradooda in ay u bedeleen qaabab kale oo ay ku dhibaateeyaan shacabka ku nool Degaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Gobolka Bay.

Korneel Mahad C/raxmaan Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Bay ayaa waxa uu sheegay in ay ka war hayaan dhaq dhaqaaqyada ay Shabaab ka wadaan meelo ka mid ah Gobolka Bay.

Waxa uu sheegay Dowlada Koonfur Galbeed inay qorsheynayso sidii Shabaab looga saari lahaa guud ahaan Degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bay.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Bay korneel Mahad C/raxmaan ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada, si looga hortago weerarada Shabaab.

Halkan Ka Dhageyso