Dhageyso: Col Barre Hiiraale iyo Afhayeenka Jubaland C/Naasir Seeraar oo si gooni gooni ah uga hadley dagaalka Kismaayo

0
180

Col Bare Hiiraale oo hogaaminayay kooxihii maanta dagaalka la galay maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hogaamiyo ayaa sheegay inuu baxsad aheyn oo uu weli joogo gurigiisa oo ku yaala gudaha magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in la soo weerarey isaga iyo dadkiisa.

Dhowaan ayey aheyd markii Col Bare Hiiraale iyo Iftin Xasan Baasto ay shir ku yeesheen magaalada Kismaayo kaasoo ay  ku iclaamiyeen dagaal ka dhan maamulka Jubbaland.  Afhayeenka Bare Hiiraale oo warbaahinta uga waramay shirkaas wadajirka u dhex marey Bare Hiiraale  ayaad halkan ka maqli doontaan.

Dhageyso Col Barre Hiiraale: [audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/06/Bare-Hiiraale-dagaal.mp3]

 dagaal-culus-kismaayo

Dhageyso Afhayeenka Barre Hiiraale oo dagaal ka dhan ah maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe iclaanshey goor sii horeysay [audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/06/Afhayeenka-Bare-Hiiraale.mp3]

Dhanka kale waxaa isna maanta galinkii dambe saxaafada la hadley kana warbixiyey dagaalkii lagu hoobtey ee Kismaayo ka dhacey Afhayeenka Maamulka Jubaland ninka lagu magacaabo Seeraar isagoo sheegey in ay magaalada si buuxda uga saareen qolyo uu ku tilmaamey qaswadayaal waxuuna sidoo kale dowlada Federaalku ku eedeeyey in waxa ka dhacaayo Kismaayo ay iyagu ka dambeeyaan isla markaasna ay doonaayaan in ay dadka deegaanka qabiil isaga hor keenaan.

Dhageyso Afhayeenka Maamulka Jubaland C/Naasir Seeraar oo wareysi siiyey Idaacada BBCda: [audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/06/Seeraar-dagaal-kismaayo1.mp3]

Idale News ONline