Dhageyso: Ciidamada KGS Oo Howlgallo Adag Ka Sameeyey Degmada Diinsoor Ee Gobolka Bay

0
241

Diinsoor(INI)–Maamulka degmada Diinsoor ee gobalka Bay ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo ay ciidamada dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ka sameeyeen  Gudaha degmadaasi iyo deegaanada hoos yimaada.

Gudoomiyaha degmada Degmada Diinsoor Ibraahim Shikshigow ayaa sheegay in ciidamada ay qabteen rag badan oo ka tirsan Dagaalyahnada Kooxda Al-shabaab Isla markaana  amni darro ka waday degmada Diinsoor iyo Nawaaxigeeda, balse waxa uu ka gaabsaday inuu sheego tirada dadka ay qabteen.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada  KGS ay weli sii wadaan dadaallo ay ciidamada ku hananayaan amniga guud ee degmadaasi.

“Ciidamada waxay soo qabteen rag Shabaab ka mid ah, waxay la dagaalameen kuwo kale oo banaanka kore magaalada lagu eryay, illaa hadda waan wadnaa howlgallada” ayuu yiri gudoomiye Ibrahiim Shikshigow.

Ugu dambeyntii, Degmada Diinsoor ee gobalka Bay ayaa ka mid ah degmooyinka dhawaan ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab , oo dagaal adag kula jirta DFS iyo AMISOM.

Idale News Online, Diinsoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here