Dhageyso: Ciidamada DFS Oo Isaga Baxay Degaanka Tooro-Toorow Ee G/Sh/Hoose Iyo Gudoomiye Siidii Oo Ka Hadley

0
279

Afgooye(INO)-Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose C/qaadir Nuur Siidii ayaa nasiib darro ku tilmaamay ka bixitaanka ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutada afaraad oo isaga baxay deegaanka Toorotoorow oo dhawaan soo gashay gacanta Dowladda Fedaraalka.

amisom1

Gudoomiye C/qaadir ayaa ku tilmaamay sababta ay ciidankda dowladda uga soo baxeen degmadaToortoorow dhaqaalo darro iyo hub la’aan, kadib markii sarkaalkii ciidanka xukumaayi uu gaadiidka dagaalka lasoo goostay, kadibna uu magaalada Muqdishu la soo aaday,taasina waxay dhalisay in uu ciidanka cabsi ka soo waajahdo xagga Xarakada AL-shabaab.

Ma ahan markii uga horeysay oo ay ciidanka dowladda faarujiyaan furumaha dagaalka sabab kasta ha ku timaadee, tani ayaa waxay dharbaaxo culus ku taahay dadaalka ay dowladdu ugu jirto in ay ku qabsato guud ahaan dhulka ay ka taliso xarakada Al-shabaab.

Ka soo bixidda ay dowladda ka soo baxday degmada Toortoorow ayaa waxay Sababtay in ay xarakada markale dib ugu soo noqoto deegaanka Toortorow iyo tuulooyinka ku teedsan, waxayna fadeexo ku tahay dhanka dowldda iyo Amisom.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in ay dagaal aan istaraatiijo laheen ku qaado xarkada oo ay dhulbadana ka qabsato dabadeedna ay istaraatiijo la,aantaasi sabab u noqota in ay markale dib isaga laabtaan iyaga oo aan ku xisaabtimin inta kharash ku badxday dagaalka iyo khasaarada ka soo gaarta ciidanka.

Gudoomiye Siidi Ayaa inta badan buunbuuniya guulaha ay dowladda ka gaarto xagga dagaalka gaar ahaan gobolka Shabeelada hoose hasa yeeshee waxaa guulahaasi ay dowladda gaartay barbarsococda iyada oo ay dowladda xajisan kari la,adahay dhulkii ay xureystaan taasi ayaa waxaa lagu tilmaami karaa in dadaalkeedu noqdo hal bacaad lagu lisay.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here