Dhageyso: Ciidamada DFS Ee Gobolka Bakool Oo U Dhaqaaqay Deeganada Al-Shabaab Ay Ka Joogaan Gobolkaasi

0
249

Xudur(INO)-Wararka naga soo gaarayo degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Dowlada Federaalka ee ku sugan degmadaasi maanta ka dhaqaaqeen iyagoona ku wajahan deegaanada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin gobolkaasi. 

CIIDAN

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Xudur oo si hoose ula hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ciidamada maamulkaasi ay dhaqaaqeen,islamarkaana ay qaadeen guluf colaadeed oo ka dhan ah Al-shabaab.

Waxay sheegeen mas’uuliyiinta inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan Al-shabaab laga saarayo deegaanada ay kaga harsan yihiin,islamarkaana lagu soo celinayo gacanta Dowlada.

Waxaana la ogeyn in Al-shabaab ay baneynayaan deegaanada lagu wajahan yahay iyo inay iska caabinayaan ciidamada Dowlada oo hada u muuqdo kuwo doonaya inay dib u soo celiyaan deegaanada gacantooda ka maqan ee ka tirsan gobolka Bakool.

Qeybo ka mid ah gobolka Bakool ayaa hada waxaa maamulka ururka Al-shabaab oo ka horjeeda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada AMISOM.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xudur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here