Dhageyso: Ciidamada DF Soomaaliya Oo Ku Wajahan Degaano Ka Tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe

0
205

Jowhar(INO)-Wararka ka imaanayo gobolka shabellaha dhexe ee dalka ayaaa sheegayaan in ciidamada dowlada soomaaliya iyo midowga afrika ee AMISOM ay isu diyaarinayaan duulaan ka dhanka ah ururka Al- shabab, kuwaasoo  ku sugan degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka shabellah dhexe.

Saraakiisha Militaarka Dowlada soomaaliya ee gobolka shabellaha dhexe,  ayaa ku hanjabey in ay qaadayaan duulaankii ugu weynaa isla  markaana ay kaga Saaraayaan Kooxda Al-shabab degaano muhiim ah oo ay hada joogaan iyadoona sida ay sheegeen ciidamo ku fialan ay haystaan.

Dhawaan waxa lasoo gaba gabeeyey Tababar dhinaca Aqoon kororsi loogu sameynayey saraakiil ciidan oo katirsan Dawlada Soomaaliya oo la qorsheenayo inay hogaan ka noqdaan Dagaal dhawaan bilaaban doono.

Taliyaha Ciidanka Melitaarka  Qeybta 12-ka April ee Gobollada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe Janeral Maxamed Maxamuud Qaafoow ayaa sheegay inay ciidanka dawlada dhawaan duulaan ku qaadi doonaan deegaanada Gobolka Sh/dhexe ka joogaan Al Shabaab.

Janeral Qaafoow ayaa Sidoo kale sheegay inay ciidanka ku wajahan yihiin Shan tuulo iyo labada degmo ee kala ah Aadan Yabaal iyo Runridgood oo Ururka Al Shabaab ay hadda ka taliyaan.

Waxa uu Taliye Qaafoow hadalkiisa intaa raaciyey in Howlgalka Bad weynta Hindiya uu bilaabana doono dhawaan wejigiisa labaad.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here