Leego(INO)- Ciidamada AMISOM ee kusugan deegaanka Leego ee gobalka Shabeelada Hoose ayaa xalay bandow ku soo rogey gudaha magaaladaas, ka dib markii ay heleen xogo sheegaya in uu jiro duulaan ay mar labaad Shabaab qorsheynayaan in ay ku qaadan ciidamada AMISOM.
Ciidamada AMISOM ee kusugan Leego ayaa xalay sameeyey howlgalo ay ku soconayeen gudaha magaaladaas, waxa ayna dadweynaha shalay ku wargaliyeen in uu dhaqan galayo bandowgan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay saaka ku soo kaceen xaalad daganaansho ah, isla markaasna bandowgan aysan garan karin mudada uu socon doono.
Kooxda Shabaab ayaa deegaanka Leego horey weerar ugu qaaday waxa ayna weerarkaas ku ekeeyeen ciidamada Burundi oo halkaas joogay, balse hadda ciidamada Itoobiya ayaa jooga magaaladan Leego.
Idale News Online, Leego