Dhageyso: C/hi Sheekh oo si kulul u dhaliilay siyaasada Jawaari ku wada taageeray 2da Maamul ee Jubba & Kan Koonfur Galbeed

0
205

Siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in aanu waxba kama ku tilmaamey  shirkii aayaha Jubooyinka ee dhawaan magaalada Muqdisho ku soo dhamaadaty, isaga oo sheegay in dowladda ay rabto oo kaliya in madaxa ay isku geliso dhamaan beelaha Soomaaliyeed. Shirkana laga martiqaadey oo kaliya intii dulmiga iyo xooga ku timid gobolka mudnaantana ay lahaayeen

Waxa uu sheegay siyaasigaan in la yaab ay ku noqotay markii uu maqlay in shir magaalada Muqdisho uu ka dhacaayo, islamarkaana waxa uu tilmaamay in uu kala garan waayay waxa la heshiisiinaayo.

C/hi Sheekh ayaa sidoo kale si kulul u dhaliilay Siyaasada Gudoomiyaha Barlamaanka isagoo sheegay in Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo uu ku tilmaamay inuu yahay qof aan siyaasad laheyn oo markuu Baydhabo tageyna ayiday dhismaha 6da gobol, marka heshiiska dowlada iyo maamulka Jubba la isugu tagey goob joog ka ahaa furitaankiisa iyo xiritaankiisa kana khudbeeyey isagoo sheegay inuu taageersan yahay go’aanka heshiiska maamulka Jubba. Sidaas darteed C/hi Sheekh ayaa yiri isma qabtaan inuu marna ummada reer koonfur galbeed ku ayido dhismaha maamul 6 gobol ka kooban isla markaasna ayido maamul 3 gobol ka kooban oo heshiiskiisana goob joog ka ahaado. Siyaasadaan Jawaari ayaa u muuqata inuusan haba yaraatee daacad ka aheyn

HALKAAN KA DHAGEYSO DHALIISHA LOO JEEDIYEY GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA SOMALIA JAWAARI [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/11/chiSheekhVsJawaari.mp3]

c_laahi-sheekh-xasan

Siyaasigaan ayaa dhanka kale ku dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud qaabka uu dhawaan ugu safray magaalada Jowhar, taa oo uu ku sheegay inay ahayd mas’uuliyad darad weyn.