Dhageyso: Cali Dheere Afhayeenka AlShabaab oo sheegtay Masuuliyada Weerarka Turkiga lagu qaadey

0
204

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay Masuuliyada Weerar Ismiidaamin ah oo maanta galinkii danbe lagu qaaday Xarun dowladda Turkigu ku leedahay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali dheere oo  warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ciidankoodu weerar qorsheysan ku qaadeen xarun siyaasadeed oo Turkigu Muqdisho ku leeyihiin sida uu sheegay

Cali dheere ayaa carrabka ku adkeeyay in weerarku ahaa mid ay fuliyeen ciidan hubeysan ka dibna ay dib ugu laabteen xarumahooda wuxuuna meesha ka saaray warar saacadihii lasoo dhaafay ay warbaahintu tabinaysay oo ahaa in weerarku uu ahaa mid loo adeegsaday gaari miinaysan.

Dhageyso: [audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/07/sh.cali_dhere_27-07-2013.mp3]

CALI-DHEERE-1

Idale News Online