C/xakiin Xaaji Fiqi wasiirkii hore ee gaashaan dhigga oo khudbad ka jeediyay shir uu la qaatay qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in hadda ka hor isagoo wasiir ah ay dowladda Kenya ku xirtay magaalada Kismaayo.
Mudane C/xakiin Fiqi wuxuu sheegay in ay sharci darro tahay Qunsuliyadda ay dhawaan Kenya ka furatay magaalada Kismaayo ee dalka Soomaaliya.
Beesha caalamka ayuu dhaliilay isagoo ku tilmaamay kuwa aanan marnaba dooneyn iney dhismaan ciidamada dowladda.
Sidoo kale mar uu ka hadlayay nabadda ka jirta dhulka ay Al-Shabaab maamusho ayuu sheegay inaaney nabadaasi ahayn tii loo baahnaa, wuuxu nabad ku tilmaamay midda loo xukuntamayo qaanuunka ay gaaladu dajisay.
Hadalkaas kasoo yeeray C/xakiin Fiqi ayaa ah mid xiligii looga baahnaa uusan oran, isagoo xiligaa inuu ka hadla xaqiiqda kala weynaaday xilikii uu hayay.
Ka Dhageyso halkaan
[audio:http://www.ishabaydhaba.com/wp-content/uploads/2014/05/Cabdi-Xakiin-Fiqi.mp3|autostart=yes]
Idale News Online.