R/wasaare C/weli Sheekh Axmed oo xalay ku hoyday magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose, ayaa kulamo la qaatay bulshada ku dhaqan gobolka Sh/hoose gaar ahaan Odayaasha dhaqan iyo wax garadka gobolka Sh/hoose.
Ujeedka kulan ayaa ahaa mid uu R/wasaaraha ugu kuur galayo waxa ay ka cabanayaan bulshada gobolka Sh/hoose,kulanka ayaa R/wasaaraha loogu gudbiyay cabasho tii ugu xooganeyd ay bulshada gobolka Sh/hoose ay ka sheeganayaan ciidamada Meletiriga Soomaaliya iyagoo weliba xusay in dhowr jeer ay ugud biyeen cabsho tan la mid ah xukuumada aan weli dhego jelicsan ka helin xukuumada.
R/wasaare C/weli Shiikh Axmed ayaa uballan qaaday Shacabka gobolka Sh/hoose cabashada ay ugud biyeen in uu dadaal xoogan u gali doono si uu wax ugu qabto.
Dhageyso R/wasaare C/weli oo bulshada gobolka Sh/hoose ka balqaadayo inuu wax ka qabanayo cawashadooda .
[audio:http://arlaadii.net/wp-content/uploads/Arlaadii.net-012.mp3|autostart=yes]
Idale News Online, Marka.