Buurhakaba(INO)Shacabka Ku Nool Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Bay Ayaa Waxaa Qeylo Dhaan Ay Ka Muujiyeen Dhibaatooyinka Xiligaani Kataagan Degmadaasi.
Degmada Buurhakaba Oo Qiyaastii Degmada Baydhabo Ay U jirto 65 KM Kaga Beegan Dhanka Bari Ayaa Mudooyinkaani Shacabka Degan Degmadaasi Iyo Deganada Kale Ee hoos Tagan Ayaa Waxaa Soo Wajahey Biyo Yari.
Ku dhawaan Shan bilood Iyadoo Ay Jiraan In Biyo Yaridaasi Xaalado Kala Duwan La kulmaan Dadka Iyo Xoolaha Ku Nool Degmadaasi BuurHakaba Ee Gobolka Bay.
Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba Maxamed Cabdi Maxamed Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Dhibaatada Ugu Weyn Ee Heysata Degmada Buurhakaba Ay Tahay Biyo Yarida Xiligaani Soo Wajahdey Isagoo Sheegey In Warihii Ugu Weynaa Ee Degmadaasi Ay Gureen Biyahana Ay Ka Doontaa Meel Aad Uga Fog Degmada Hadana Aysan Kaafi Karin Hasha Booyad Ee Gaarta Magaladaasi.
Geesta Kale Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Qeyb Ay Tahay Biyo Yaridaasi Ka jirta Degmada Buur Hakaba Wuxuna Si Aad Ah U Eedeeyey Wasaarada Maaliyada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo sheegey inay aruursato Canshuurtii Magaaladaas isla maarakaan aysan waxba u qabaneynin Shacabka aysan ogeyn lacagtaas halka ay ku dhacdo.
Ugu Dambeyntii, Maamulka Iyo Shacabka Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay Ayaa In Badan Waxaa Ay Baaq Udireen Dowlada Faderaalka Soomaaliya Iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ilaa iyo haatan Ma Jirto Cid Ka soo jawaab Bixisey Baqaas Ka yimid Shacabka Xiligaani Ku Dhibaateysan Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay.
Halkan Ka Dhageyso
Wariye Siid Cali Muuse Ateera, Idale News Online, Baydhabo.