Xudur(INO)- Dadkii Dhawaan ka soo Barakacey Xasrada Degmada Tiyeeglow oo ku sugan degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool ayaa xiligaani waxaa ay sheegeyaan in halkaasi ku heysato Dhibaatooyin Dhanka noolsha ah iyagoo sheegeya in aysan heysan cuno kufilan isla markaana ay u dheer tahay dhanka cafimaadka oo liita.
Gudoomiyaha Maamulka Degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa ku baaqey in loo gurmado Barakacayaaasha Ku Sugan Degmadaas.