Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa meel mariyay hindise sharciyadeedka Xeerka Bankiga horumarinta iyo dib u dhiska dalka. ibaa
Kulanka Baarlamaanka ee maanta qeybtiisa hore waxaa shir-guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad waxaana sidii ballantu aheyd lagu gudagalay u codeynta ajandeyaal ay horey Baarlamaanku uga doodeen amaba maray aqrinno kala duwan oo uu ugu horeeyey meel marinta Hindise Sharciyeedka Bankiga Hormarinta iyo Dib U Dhiska Dalka kaasi oo Baarlamaanka la horkeenay intii uu socday Kalfadhigii 3aad..
Codeyn gacantaag aheyd ayaa waxaa ku ogolaaday Hindise Sharciyeedkan oo Haa ugu codeeyey 142 Xildhibaan, 3 Xildhibaanna waa ay diideen, waxaana ka aamusay hal xildhibaan sida uu ku dhawaaqay natiijada codeynta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in waxa ka dambeeya maalinnimada sabtida ah ee todobaadka soo socda bilowgiisa ay Xildhibaannadu guda geli doonaan howlo culus oo ku saabsan Hindise Sharciyeedyada lagama maarmaanka u ah in dalkan uu gaaro sanadka 2016ka yoolka loo hiigsanayo oo ah iney doorasho ka dhacdo.
Ajandaha kale ee Baarlamaanka maanta ay qorsheeysteen waxa uu ahaa ansixinta wax ka bedelka Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka kaasi oo maalinnimadii shalay aheyd laga dooday laakiin Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlay kulanka markii ay Xildhibaannadu ku kala aragti duwanaadeen qaabka loo marayo codeynta ayaa soo jeediyey sida ay ku haboontahay in loo maro.
Halkan Ka Dhageyso;
[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/20776.MP3|autostart=yes]
Horaantii bishii Octobar ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2013 ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka loo qeybiyey Hindise Sharciyeedkan Bankiga Horumarinta Dalka,ayadoo Hindise Sharciyeedkan ka hor ansixintiisa maanta uusoo maray Seddex marxaladood.
Idale news Online muqdisho.