Baydhabo(INO)- Waxa Shaley Galinkii Dambe Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay lagu dhaariyey tiradii ugu dambeynsey Ee Xildhibaanada Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya,kuwaasoo gaarayey 56 Xubnood.
Wasiirka warfaafinta iyo wacyi-galinta Bulshada Ee Dowlada Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegey,in Koonfur Galbeed ay yeelatey Barlamanka Buuxa isla markaana Dhawaan ay gudi gali doonaan Dajinta Shurucda Dowlada KGS.
“Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay yeelatey Baarlamanka dhameystiran, tirada Guud Ee Xildhibaanada Baarlamanka Waxay Gaarayaan 145 Mudane” ayuu yiri Wasiir Xasan Cabdi Maxamed.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegey in Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay Maanta yeelanayaan Kal fadhigooda Kowaad isla markaana waxa lagu wadaa in Maanta ay doortaan Gudoomiye KGM ah iyo Ku Xigeenadiisa waxa uu intaa raaceyey in Maalmaha Fooda inaga soo aadan si rasmi ah loo dooran doono Gudoonka Guud Ee Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“ Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maanta waxay yeelanayaan Kulunkoodi Kawaad, waxayna iska dhex dooran doonaan Gudoomiye KMG ah, dhawaan waxay si rasmi ay dooran doonaan Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Baarlamanka waxa looga fadhiyaan in dajiyaan Sharciyo lagu hago Dowlada” ayuu Mar kale yiri Wasiirka.
Ugu dambeyntii, waxa in ka badan sanad iyo bar lagu mashquulsanaa Dhimsha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya,dhamaan Beelaha Wada Dega Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isku dhex arkey, wallow qaar ka mid ah Beelahaasi ay muujinayaan Cabashooyinka dheeraad ah, waxaana tirada Xidhibaanda Dowlada la gaarsiyey 145 Xubnood, isla markaana waxa uu noqonaya Baarlamanka ugu tirada badan Baarlamanaadda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya Ka Jira.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo