Mudaneyaasha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta meelmariyay sharciga kalluumeysiga oo ay horay ugu gudbisay wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee xukuumadda Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar ayaa shir-guddoominayay kulanka baarlamaanka oo ay soo xaadireen 144 xildhibaan.
Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in sharciga loo qaaday cod gacan-taag ah, waxaana ansixiyay 140 mudane, waxaa diiday 2 mudane, waxaana ka aamusay labo mudane oo kale.
Natiijada markii uu ku dhawaaqay ayuu xaqiijiyay inuu sharcigaas ansax yahay.
Dhinaca kale, xildhibaannada ayaa guda galay akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka hanti dhowrka guud ee qaranka.
Idale News Online, Muqdisho