Dhageyso: Axmed Madoobe”Safarka Guddoomiye Jawaari wuxuu carqalad ku yahay Shirka Hiigsiga 2016 ee lagu qabanayo Kismaayo”

0
235

Kismaayo (INO)—Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa safarka uu ku tagay Guddoomiyaha Baarlamaanka Magaalada Dhuusa Mareeb ku tilmamay mid caqabad ku ah shirka madasha wadatashiga oo bishan lagu wado in uu ka furmo Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka jubada hoose.

Axmed Madoobe ayaa nasiib daro ku sheegay in arimo laga soo gudbay uu dib u furfuro gudoomiye Jawaari ,xilli lagu jiro diyaar garowga shirka madasha wadatashiga ee ka furmaya dhawaan Magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa dhankiisa wax laga xumaado ku tilmaamay eedeymaha madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland u jeediyeen Guddoonka sare ee Baarlamaanka Somalia.

Geesta kale madaxweynaha Maamulka Gobalada dhexe ee Ahlu Suna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in dowlada Somalia ay hore u diiday in Ahlu Sunna ka qayb gasho shirkii Maamulka loogu dhisay Galmudug,wuxuuna intaasi ku daray in wax natiijo ah aan laga gaarin Maamulka Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Eedeymaha mas’uuliyiinta sar sare ee Maamulada Galmudug iyo Jubaland ay u jeedinayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa imaanaya xilli uu shalay safar ku tagay magaalada Dhuusa Mareeb.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online,Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here