Afmadow(INO)- Al-Shabaab ayaa waxaa ay siidaayeen mid ka mid ah ilaa 3-ruux oo dhawaan ay ka Afduubteen Degmada Afmadow ee Gobolka J/hoose kuwaasi oo isugu jira Gudoomiyihii hore ee Maamulka Degmada Afmadow iyo 2-Odayaal ah oo ku wada sugnaa Guri ku yaala Degmadaasi,
Raga la siidaayay ayaa la sheegay inay ka Gudbeen baaritaanadii ay Sameeyeen Dagaaliyahanada Al-Shabaab kuwaasi oo ku hayay again Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe,
Coll Xujaale Aadan Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Amniga ee Maamulka Jubaland ayaa sheegay in Ciidamada Maamulka Jubaland ay aajibaadkooda gudanayaan islamarkaasina aysan si hufan markii hore u joogin Degmada Afmadow,
Waxa uu sharaxaad ka Bixiyay Xogta ay ka hayaan Ninka ku Harsan Gacanta Al-Shabaab,waxyaabaha ugu weyn ee loo heyso ninkaasi oo la rumeysan yahay inuu ka mid yahay Odayaasha ugu Caansan Gobolada Jubooyinka ee Koonfurta Soomaaliya,
warar kale ayaa sheegaya inay Wadaan Al-Shabaab Qorshe la doonayo inay ku Toogtaan Gudoomiyihii hore ee Degmada Afmadoow oo ka mid ah Shaqsiyaadkii ay kala bexeen Guri ku yaala Degmadaasi waxaana lagu haya haatan Xero Ciidan oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin Degmada Jilip oo ay ku taalo Maxkamadda ugu Weyn ee Garsoorka Al-Shabaab.