Dhageyso: Al Shabaab oo sheegay inay Sargaal Cadaan ah Dileen

0
209

Muqdisho(INO)-Kadib dagaal duqeymo ay la socdeen ayaa waxa uu ka dhacay Deegaano katirsan Gobolka Sahbellaha Hoose.

abu muscab

Afhayeenka dhinaca howlgalada Ururka Al Shabaab Shiikh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa waxa uu sheegay inay dileen 5 Askari oo katirsan AMISOM iyo Sargaal Cadaan ah.

Al Shabaab waxay sheegeen in Sargaalka Ajnabiga ah ee la dilay weli waddanka uu udhashay aysan ogaanin laakiin ay xaqiijiyeen in la dilay sargaal ciidan oo dagaal geliye ahaa.

Dagaalka oo deegaanka lambar lixdan ku dhexmaray ciidanka dawlada Soomaaliya oo ay kaabayeen ciidanka AMISOM iyo Ciidanka Al Shabaab ayaan si dhab ah loo ogaan Karin khasaaraha kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here