Dhageyso: Al-Shabaab oo Qorsheynaya Weeraro Culus oo ka dhan ah Ciidamada AMISOM ka Jooga Galgaduud”

0
181

Muqdisho(INO)- Xili Deegaano ka mid ah Gobolada Hiiraan iyo Bakool ay ka Bexeen Ciidamada AMISOM ee ka socda Dowladda Itoobiya ayaa Xarakada Al-Shabaab waxa ay kordhiyeen Weerarada ka dhanka ah Xarumaha ay kaga sugan yihiin Ciidamada AMISOM Gobolada Dalka Soomaaliya,

Waaliga Al-Shabaab ee Gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub Cali oo Boqolaal dadweyne ah kula hadlayay Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay kordhiyeen Weerarada ka dhanka ah Ciidamada AMISOM ee ku sugan weli deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud,

waxa uu Shacabka u sheegay inay sii socdaan Ciidamadan uu ku sheegay kuwo ku soo duulay Soomaaliya waxaana uu bulshada ka codsaday inay kaalintooda ka qaataan dadaalada Dalka looga saarayo Ciidamada Shisheeye sida uu hadalka u dhigay.

Halkan Ka Dhageyso