Dhageyso Afhayeenka Booliiska Madaale “Faafaahinta Qaraxii gudaha iyo Afaafka Hotel Maka Al Mukarama”

0
208

Saraakiisha Ammanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay khasaaaraha ka dhashay weerar gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qaaday Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Generaal Madaale ayaa sheegay in dadka geeriyooday ay gaarayaan ilaa shan ruux oo saddex kamid ah yihiin ciidanka Booliiska Soomaaliyeed halka dhaawaca uu gaarayo 26-ruux oo dhamaantood dad shacab ah sida uu yiri.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Maxamed Yuusuf Cumar Madaale, ayaa sheegay kahor inta aanu dhicin qaraxa gaariga loo adeegsaday, ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen ruux watay laabtoop oo gudaha Hoteelka galay, kadibna ay ka dhacday bam taasi oo isaga qudhiisa dhaawac ugeysatay, kadibna dadkii Hoteelka ku sugnaa ay gacanta ku dhigeen ruuxaasi oo laamaha ammaanka lagu wareejiyay.

Ruuxa ciidanka ay qabteen ee watay laaptoopka ayaa markii uu gudaha galay Hoteelka uuna fariistay qeybta shaaha cafeega lagu cabo ee Hoteelka ayuu damcay inuu garabkiisa kasoo saaro laaptoobka, taasi oo keentay sida saraakiisha Booliiska ay sheegeen inay ka dhacdo bam gacmeed gudaha Hoteelka ku qaraxday.

Intaasi kadib saraakiisha ammaanka Dowladda waxa ay sheegeen in intii ay socotay baaritaanka ku aadan su’aalo weydiinta ruuxa laaptoobka lagu qabtay in ilinka hore ee Hoteelka uu ka dhacay qarax noociisa uu yahay mid gaari loo adeegsaday, kaasi oo sababay geerida shanta ruux iyo dhaawaca dadka gaaraya ilaa 26-ruux.

Dhageyso Afhayeenka Ciidanka Booliiska Xamar Jeneraal Madaale:[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/11/MadaaleKM4.mp3]

qaraxiiHotelMM

Dadka qaraxa kugeeriyooday ayaa waxaa ku jiray C/qaadir Aadan Cali oo mar soo noqday kusimaha safiirka safaarada Soomaaliya ee dalka Uk, kahor inta aysan Dowladda Soomaaliya safiir Uk umagacaabin.

Bogaga Internetka Al-Shabaab ayaa lagu daabacay in Ururka Al-Shabaab ay ka dambeeyaan masuuliyada weerarka dhiiga badan uu ku daatay ee xalay fiidkii ka dhacay Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Al-Shabaab ee dhanka howlgalada Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa xaqiijiyay in qaraxyada ay ahaayeen labo qarax oo midka koowaad uu ka dhacay Hoteelka dhexdiisa, halka mid kalena uu ka dhacay Banaanka Hoteelka.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa gaariga loo adeegsaday, ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu dabiibayo.

Idale News Online