Dhageyso: Abwaan Balwad-Diid Oo Soo Saarey Gabey Uu Ugu Magacdarey Garaad Xumo Oo Ku wajahan Dowladda Koonfur Afrika

0
266

Baydhabo(NO)-Waxaan halkan  idin  ku  soo gudbinaynaa Gabay uu Tiriyey Abwaan Balwo Diid, oo ka  Mid ah Abwaanadda Koonfuta Soomaaliya, oo uu ka   hadlayo Dhibaatada Soomaalida loogu geysto Dalka Koofur Galbeed, isagoo tusaale u soo qaatay in Burcad badeeda adduunka oo dhan looga soo gurmaday in wax laga qabto ummadan Madowga ee ku nool Koofur Afrika gaar ahaan Soomaaliya lagu dhibaateynayo wax looga qaban waayey.

BALAWAD

Waxaa dalka Koonfur Afrika ka socday weeraro lagu bartilmaameedsanayo dadka Ajenbiga ah, weeraradan ayaa la sheegayaa inay xoogaysteen ka dib markii uu hadal jeediyey boqorka Qowmiyada ZULU Boqor Goodwill Zwelithini kaBhekuzulu oo u taliyo Bulsho gaareyso 28Million

Kaalintii Soomaaliya Ka Geysatey in Koonfur Afrika Ay Hesho Xuriyadeeda.

Jan 1962 – Nelson Rolihlahla MANDELA ayaa u mahad celiyeey afar wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Mandela waxa uu ka khudbaynayey shirkii Pan-African ee lagu qabtay Addis-Ababa, asagoo u mahad celiyey afar dal ee Afrika, xilligaas ka mid ah dalalka xorta ah, kuwaas oo kulankaas joogey, kuwaas oo ahaa  Somalia, Ethiopia, Sudan iyo Tanganyika. Waxana uu Mandela dalalkaas uga mahad celiyey sida ay cunaqabataynta siyaadadeed iyo mid dhaqaale u saareen dawladii markaas midab takoorka ku haysatey Koonfur Africa iyo sida ay dalalkaasi magan gelyo u siiyeen qaxootiga reer Koonfur Afrika.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here