Dhageysi + Sawiro: $205 Kun Oo Dolar oo la gudoonsiiyey Qoyskii Marxuum Sheekh C/qaadir Gacmeey oo nin hubeysani ku dilay gudaha Masjid ku yaala Garowe

0
195

Munaasabad Maanta kadhacday Gudaha Magaalada Garowe ayaa waxaa lagu Gudoonsiyeey sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax Qoskiisa Lacago Dollar ah Taas oo ay gudoonsiyeen Culumo kamid ah kuwa somaliyeed

Shiikh Cabdiqaadir Nuur ayaa isaga oo tukanaya Salaada Casar masjidka Al-Badr ee magaalada Garowe lagu dilay 15 February,2013.waxana isla goobta lagu qabtay gacan ku dhiiglihii fuliyay dilka Shiikha.

Aaskiisa ayaa waxa ka soo qaybgalay madax ka socotay DF ,Puntland iyo kumanaan iskugu jirtay culimaa’udiin oo ka kala yimid dhamaan gobollada dalka sida Muqdisho ,Hargeysa ,Galkacayo ,Bossaso,Burco ,Laascaanood ,Galdogob iyo meelo kale.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland ,Wasiirka cadaalada ,xildhibaano ,Duqa degmada Garowe ,salaadiin ay horkacayeen Islaan Ciise Islaan Maxamed ,Suldaan Siciid Maxamed Garaase ,Culimaa’udiinka Puntland iyo Somaliland iyo arday ayaa ka soo qaybgalay.

Lacagtan ayaa badideeda laga soo aruuriyay Jaaliyada Waqooyiga America degan ,waxana isku darkeedu gaarayay $205 kun oo Doolar oo uu gudoomay wiilka ugu wayn caruurta Shiikh Cabdiqaadir.

Masuuliyiin iyo culimo ayaa ka hadlay munaasibada oo wax ka taabtay halgankii Shiikhu u soo galay fidinta dacwada iyo barbaarinta ubadka oo ay ka mid ahayd hirgelinta Jaamacada galabta lagu kulansanaa.

Shiikh Yuusuf Aadan oo 45 sanno ka badan ay saaxiibo dhow ahaayeen AHN Shiikh Cabdiqaadir Nuur ayaa ka yimid Hargeysa ,waxana uu goobta ka sheegay in hadiyadan tusaale u tahay sida shacabka Soomaliyeed meel kasta uu joogo uga danqaday dilkii Shiikha.

Islaan Ciise Alle uga baryay intii gacanta ka gaystay dhaqaalaha xigtada Shiikha loo soo aruuriyay inuu ka ajarsiiyo maalinta Qiyaamadana ka abaalmariyo

Dhageyso Xaflada lagu weyneynaayo iyo hadiyad qurbo joogta ay ugu talagaleen qoyska marxuun c/qaadir gacmeyn: [audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/06/cododka-garowe-ee-lacgta-lagu-deqay-qoyska-sheekh-cabdulqaadir-sh.mp3]

Kulanka_lacagta1 Kulanka_lacagta2 Kulanka_lacagta3 Kulanka_lacagta4 kulanka_lacagta6 Kulanka_lacagta7 Kulanka_lacagta8

Idale News ONline