Muqdisho(INO)-C/llaahi CiilMooge Xirsi Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta Dowlada Soomaaliya ayaa rajo xumo ka muujiyay in la fuliyo sanadka 2016 qorshaha Dowlada Soomaaliya ay balan qaaday sida in Dalka ay ka dhacdao doorasho xur ah iyo inuu dalka ka dhaqan galo nidaamka Federaalka.
Waxa uu sheegay in iminka aysan muuqan ifafaalo muujinayo in uu dhaqan galo in Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee sanadka 2016.
C/llaahi CiilMoge Xirsi ayaa sidoo kale sheegay in aysan muuqan mideynta Koofur iyo Waqooyi taasi oo uu sheegay in ay sababi karto iney sii socda colaadaha.
Waxa uu xusay in lo baahan yahay in dib u habeyn iyo saxid lagu sameyo qodobo ka mid ah Dasturka sida KMG gaaarka loo ansixiyay ee Dalka u yaalla, isla markaana ay muhim tahay in laga shaqeeyo arrimo badan.
Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta Dowlada Soomaaliya C/llaahi CiilMooge Xirsi ayaa hadalkaani ka sheegay ka dib markii uu ka qeyb galay Munaasabad lagu soo bandhigaayay Xisbi Cusub oo uu Gudoomiye ka yahay.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho.