Muqdisho(INO)- Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la soo geliyay baraha Bulshada, kaasoo sheegayay inuu baaqday shir Madaxeedka IGAD oo berri oo taariikhda tahay 13-ka bisha September uu dhacayo.
Warqada ayaa saacado ka hor lagu faafiyay baraha bulshada, waxaana ku saxiixnaa Xogheynta Urur goboleedka IGAD, iyadoo dad badan ay siyaabo kala duwan uga hadleen arrintan.
Sidoo kale warqadan ayaa jahwareer gelisay shacabka Soomaaliyeed, waxayna ku qaarkood gelisay niyad jab, hase ahaatee baaritaano iyo xaqiiq raadin kadib waxaa la caddeeyay in warqada soo baxday ay tahay mid been abuur ah.
Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xaqiijiyay in aanay waxba ka jirin wararka arrintan ku aadan, ayna tahay mid been abuur ah oo lagu jahwareerinayo shirka.Goor sii horeysay ayaa waxaa Barta Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu shaaciyay Hashtag muujinaya qabsoomida shirka oo ah #IGADMog2016
Sidoo kale ilo ku dhow dhow Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa xaqiijinaya in arrintan waxba ka jirin, warqada soo baxdayna aanay aheyn mid rasmi ah, ayna tahay mid la mala-awaalay.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay xaqiijisay ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo la xiray waddooyinka qaar, si loo adkeeyo ammaanka halka shirka ka dhacayo.