Muqdisho (INO) — Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya & AMISOM ayaa shaaciyay inay dhawaan billaabi doonaan Guluf Dagaal oo ka dhan ah Kooxda Al shabaab, kaasi oo Ujedkiisu yahay in dalka oo dhan laga saaro Kooxda kahor 2016.
Taliyaasha Ciidanka Dowladda Soomaaliya & AMISOM ayaa Mudooyinkii danbe ka shaeynayay isku-dubaridka Qorshaha Dagaalka, iyadoo Dowlado badan oo Imaaraatka kamid tahay ay Muqdisho kasoo dejisay Todobaadkan Hub & Gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah oo ay ku jiraan kuwa aan xabadda karin.
Madaxa AMISOM Maman Sidikou ayaa sheegay in Ciidankooda & kuwa Dowladda ay Al shabaab ka saari doonaan dhamaan Deegaanada ay dalka ka joogaan, isagoo intaasi ku daray in Dulaankan soo socda noqon doono mid ka duwan kuwsii hore, sida uu hadalka u dhigay.
“Al shabaab dalka Soomaaliya masii joogi doonaan 2016, waxaana tagi doonaan dhamaan Goobaha ay joogaan, kadib waxaa laga hergelin doonaa Mamaul dowladeed & kala danbeyn ay Shacabka ku noolaadaan,” ayuu yiri Maman Sidikou.
RW Cumar C/rashiid oo isna dhawaan ka hadlay Qorshaha Xukuumadiisa ee Dagaalka Al shabaab ayaa sheegay in dalka 20% gacanta ugu jiro hadda Al shabaab, balse ay uga guulaysan doonaan Gulufka Dagaal ee hadda qorshahiisa socdo.
Idale News Online – Muqdisho