Muqdisho:Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mustaf Dhuxuloow, ayaa sheegay in Wasaarada warfaafinta Soomaaliya ay wax ka qaban doonto fanaaniinta Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku xanuunsanaya.
Mustaf Dhuxuloow Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, ayaa sheegay in beryahan uu TV-ga ka daawaday fanaanka Maxamed Suleybaan Tubeec oo dalka Jarmalka ku xanuusanaya.
Wuxuu sheegay in Tubeec iyo fanaaniinta kale ee dalka ku sugan intaba Dowladda ay ka warqabi doonto sida xaaladooda tahay, waxaana uu intaasi hadalkiisa ku daray in ilgaar ah Dowladda ay ku hayn doonto.
Fanaaniin badan oo uu kamid yahay Cabdi Tahliil Warsame iyo Maxamed Suleybaan Tubeec oo shacabka Soomaaliyeed qiimo weyn ugu fadhiya ayaa ku xanuunsanaya gudaha dalka iyo dibadiisa intaba, iyadoo aysan jirin cid si toos ah wax ugu qabatay marka laga soo tago hadalo umuuqad kuwa aan afka dhaafsiisneyn balse ficil uusan la socon.
Tan iyo Dowladii dhexe markii ay meesha ka baxday fanaaniinta Soomaaliyeed ma aysan helin wax daryeel ah.
Idale News Online, Muqdiho