DEG DEG:Xaalada Degmada Marko oo kacsan iyo Xoogagga Al-shabaab oo gacanta ku haya Magaaladaas

0
244

Marko(INO) — Xaalado Kacsanaan ah ayaa ka jirta Degmada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose maanta, sida ay sheegeen qaar ka mid ah shacabka ku nool degmadaas, iyadoo weli Degmadu ay gacanta ugu jirto Al-shabaab.

Goob-joogayaal ku sugan Marko ayaa sheegay in Al-shabaab ay soo geliyeen qaar ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ay qoryuhu ku rakiban yihiin, kuwaasoo ay ku tilmaameen kuwii ugu horreeyay oo ay magaalada soo geliyaan.

“Degmada Marko waxaa ku sugan Al-shabaab, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwii AMISOM iyaguna waxay ku sugan yihiin daafaha magaalada, waxaana laga baqdin qabaa inuu iska-horimaad dhaco,” ayuu yiri Cumar Salaad oo ka mid ah dadka ku nool degmada Marko oo la hadlay Warbaahinta.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa xusay in dadku ay magaalada sidii hore isaga dhex-socdaan, balse ay cabsi badan jirto, wuxuuna intaa ku daray in Al-shabaab ay xalay degmada kusoo rogtay Bandoow, kaasoo dhaqan-galay.

Mas’uulka Al-shabaab u qaabilsan Shabeellada Hoose, Sheekh Maxamed Abuu C/lla ayaa Shacabka ku nool Degmada Marko ugu baaqay in ay Qaybtooda ka qaataan Dagaallada ka dhanka ah ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.

Dhanka kale, Wararkan ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo war-saxaafadeed uu Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, Danjire Francisco Caetano Jose Madeira soo saaray ku sheegay in Wararka sheegaya in Ciidamadii AMISOM ay isaga baxeen Marko ay yihiin kuwo been ah.

Ergayga ayaa xusay in ciidankooda ay ku sugan yihiin saldhigyadii ay degmada Marko uga sugnaayeen markii hore, ayna halkaas sii joogayaan si ay u gutaan waajibaadkooda, Taasoo uu ku sheegay inay tahay inay cadowga meel walba kaga hortagaan.

Ugu dambeyn, wixii warar ah ee kusoo kordha xalaadda magaalada Marko waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.

Idale News Online, Marko

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here