DEG DEG:Wariye Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday Magaalada Jigjiga

0
249

Jigjiga(INO)-Allaha u naxariiste Wariye Axmed Xasan Cawke oo inta badan dadka Somaliyed ay si weyn u garanayaan ayaa xalay goor dambe wuxuu ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee caasimada Dowlad deegaanka Somalida dalka Ethiopia.

Geerida Axmed Xasan Cawke, ayaa waxaa xaqiijiyay Walaashiis Canab Xasan Cawke, waxa ay sheegtay in Axmed Xasan Cawke xalay uu kula soo xiriiray Taleefoonka, kadibna uu u sheegay in neefta ay hayso oo si aad ah u xanuunsan yahay.

Canab ayaa sheegtay in durba loo soo sheegay geerida walaalkeed Axmed Xasan Cawke, iyadoo tilmaamtay inay aad uga naxday geerida ku timid walaalkeed.

Allaha u naxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke, ayaa ahaa Wariye dadka ay aad u jecel yihiin oo cod macaan, waxaana Bulshada ay ku xusuustaan Idaacada BBC oo waqti badan uu ka shaqeyn jiray.

Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.

Wuxuu ka soo shaqeeyay Telifishankii Somaliya , kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii somaliya.

Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka soomaliga ee idaacadda BBC 1996 . wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay laanta Afka soomaliga ee VOA.

Idale News Online, Jigjiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here