DEG DEG+Sawiro: Madaxda Qaranka Oo Hadda La Sugayo Iyo Murtiyeedka Oo La Shaacinaayo Daqiiqado Ka Dib

0
396

Baydhabo(INO)- Waxaa goodhow la shaacinaya warmurtiyeedkii ka soo baxay waxyabihii ay ku heshiyeen madaxda hogaamiyaasha Qaranka ee ku shirsanaa  Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

waxaa hadda Holka shirka  lagu sugayo madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , Gudoomiye Prof.Jawaari, Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas , RW CCC Sharma’arke iyo Madaxweyne shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland  Axmed Madoobe.

waxaa meesha laga saaray inaanu jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhex galay Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ee ku shirsan Magaalada Baydhabo

Waxa Hollka  iminka Fadhiya RW ku xigeenka Dalka Mr. Carte Wasiiro  ka tirsan Dowlad Soomaaliya, Xidhibaano,   Odayal dhaqmeedyo Wariyaasha iyo ergada shirka.

Ugu dambeyntii, Bisha August, ayaa waxaa lagu wadaa in la soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, iyadoona ay soo dooran doonaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa, halka bisha Septemberna ay soo dooranayan Madaxweynaha.

Halkan Ka Daawo

 

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay