Baydhabo (INO) – Guriga Madaxtooyada magaalada Baydhabo waxaa hadda ka Socota Rasaas Xoog leh, waxaana la shaaciyay in dhimasho ay Jirto Madaxtooyadana ay kasocto Rasaas iyo Qaraxyo.
Laba Gaari oo ay Wateen Ciidan isu soo Ekeysiiyay kuwa Dowladda ayaa Gudaha u Galay Guriga Madaxtooyada, waxaana Wararku sheegayaan in Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan uu isagu dhankiisa ku Sugnaa Guriga Madaxtooyada, Waxaana Hadda Socota Rasaas Xoog leh iyo Qaraxyo ay Fulinayaan Shabaabka Gudaha u galay Gurigaas.
Warar kale waxaa ay sheegayaan in la Arkay Meydadka 9 qof oo ay ku Jiraan Kooxda Weerarka Qaadday iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo Amaanka Goobta Sugayey, Waxaana Shabaabkii Weerarka qaaday Intooda Dhimatay marka laga reebo ay ku jiraan Goobta.
Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa Warar kale oo Idale News Online ay heshay ay sheegayaan in uu ka Cararay Gurigaas marka uu Weerarku Billowday, sidoo kalena uu dhanka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Aaday.
Lasoco Warar dheeraad ah.
Idale News Online – Xafiiska Muqdisho