Muqdisho (INO) – Qarax Gaari loo Adeegsaday ayaa la sheegayaa in Daqiiqado Kooban ka hor uu ka dhacay Iridda Hore ee Hotel Central Muqdisho, kaasoo Laba Bilood laga Joogo Markii Qaraxyo ay ku dhinteen 30 qof ay ka dhaceen, Qaraxa Maanta dhacay ayaa Geystay Dhimasho iyo dhaawac.
Meel aan sidaa uga Fogeyn Hotel-ka ayaa la sheegay in uu ka dhacay qaraxu, waxaana ku dhintay inta la ogyahay 2 qof 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen, wallow qasaaruhu uu Intaas ka Badan karo.
Qaraxa oo ahaa mid Gaari loo Adeegsaday ayaan ilaa hadda la Ogeyn Ujeedkiisu Halka uu ahaa, balse Gaariga Qarxay ayaa la sheegayaa in uu Halkaas yiil Maanta oo dhan, Halka uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku taal Maqaayad yar oo Jaadka lagu Cuno, Raashina Iibisa.
Lasoco Warar dheeraad ah.
Idale News Online – Muqdisho