Deg Deg:Munaasabad Balaadhan oo Bandiirad taagid ah oo Ka Socota Magaalada Baydhabo Janaay.

0
184

Baydhaba:Wararka ka imaanaya magaalada baydhaba ee xarunt dowlada Koonfur Galbeed soomaaliyaa ayaa sheegeyaan in maanta magaaladaasi, si weyn looga dareemayo, dadaalo la doonayo ama in la saaro calan iyo astaann uu yeelan doono  maamulka KG soomaaliya.

Munaasabada Calan Saarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa filayaa in ay ka soo qeybgalaan Ergooyinka Shirweynaha Koonfur galbeed soomaaliya , Siyaasiyiin, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo Bulshada Rayidka ee Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Xafladaa waxaa ka qeybgalaya Siyaasiyiin Goordhow katimid Magalaada Muqdisho.

Dadka ku sugan  Magaalada Baydhabo oo goob jog ka ah Xafladaan ayaa ku soo waramaya  Idale news onlne inuu dib u dhac ku yimid Dhaarinta Gollaha Sare ee Koonfur Galbeed, laguna wado inay dhacdo maanta.

Ugu dambeyntii waxa dhawaan la dooran doornaa  madaxweyne uu hogaamin doono bulshada6da gobol ee koonfurta & koonfur galbeed soomaaliya, waxa dhaliilsan  sida howshani u socto DF soomaaliya oo dooneyso inu ka koobnaado maamulka K G soomaaliya  3 gobol.

breakingIdaleNews

xasan basha.

Idale News Online,Baydhaba.