Galkacyo(INO)- Gudoomiye Kuxigeenkii hore ee Degmada Gaalkacyo Siyaasi yacquub Maxamed Cabdalla ayaa ciidamo ka amar qaata Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal ayaa u taxaabay Saldhiga Bartamaha Garoowe.
War kooban oo Yacquub Maxamed Cabdalla uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu ku shaaciyay in ciidamo ay ku wargaliyeen in xarig uu yahay, waxaana intaas u sheegay Ciidanka Xabsiga u taxaabay.
Xariga Gudoomiye Ku xigeenkii hore ee Degmada Gaalkacyo Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa ku soo beegmay xili maalin nimadii shalay uu dhaliil adag uu u jeediyay Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maalmihii la soo dhaafay Isbadal ku sameeyay Gudoomiye ku xigeenadii Gobolka Mudug & laamaha amniga ee gobalkaasi.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.